Sawirro: Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika oo Muqdisho gaaray, shalayna la kulmay madaxda Kenya
20 July 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho Wafdi ka socda Kooxda sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP) oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki.
Sida Jadwalku yahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si kala gaar gaar ah waxa ay u kala qaabili doonaan wafdiga.
Booqashada wafdiga Midowga Afrika oo qaadan doonta muddo labo cisho ah (Luulyo 20-22), ayaa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM.
Dhanka akle wafdigan ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay wada hadalo la yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.
Qoraal ay barteeda Twitter-ka ku shaacisay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayay ku sheegtay in Thabu Mbeki iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen arrimaha nabadda, xasilloonida, is dhex galka iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika, arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.
Wararka qaar ayaa sheegaya Guddigan ka socda Midowga Afrika ee uu hoggaaminayo Thabu Mbeki arrimaha safarkooda la xiriira uu uu ka mid yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan arrinta muranka Badda, iyadoo la sheegayo in Midowga Afrika uu doonayo in arrintaas ka galo dhex dhexaadin ama door Nabadoonnimo, ka hor go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.