Daawo Video: Muuse Biixi oo sheegay in uusan khusayn guddiga Farmaajo magacaabay
20 July 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in aanay quseyn Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana labada qodob ee loo xilsaaray Guddigaas aanay midba waxba ka gelin arrimahooda.
“Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu dhinac walba ka cunaqabateeyay Somaliland, haddii ay tahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, siyaasad iyo xoolaha laga dhoofinayo deegaanada Somaliland sida uu yiri.
Puntlandes.com