YAA MASUUL KA AH ISMAANDHAAFKA BOOSAASO KA JIRA?

Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo lacag ay Dawlada Dhexe u soo dirtay Bosaaso taas oo xasarad abuurtay. Si lacagtaas loo soo diro waxaa Dawladu la hadashay laba nin oo ka mid ah guddiga gacanta ku haya dhismaha wado Bosaaso laga dhisayo. Guddigaas waxaa magacaabay muddo hore Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Sida la sheegay muddo hadda laga joogo waqti fog ayaa Dawlada Federaalka laga codsaday inay ka qayb qaadato dhismaha wadadaas oo halbowle u ah isu socodka magaalada laakiin wax khabaar ah Dawlada lagama helin. Labada nin oo lala soo hadlay si lacagta magacooda loogu soo diro ayaa ka cudur daartay aqbalaada lacagtaas dhowr sababood awgeed. Sababhaas waxaa ka mid ahaa mashruucii oo gabagaba maraya, wadada la soo marinayo lacagta oo aan sax ahayn iyo xilliga lagu beegay lacag bixinta. Diidmadaas ka dib, mar labaad waxay Dawlada Federaalku la soo hadashay rag kale oo isla guddiga hawsha u xilsaaran ku jiray laakiin aan awal lala soo hadlin waxayna ka codsadeen inay lacagtaas aqbalaan, waana aqbaleen. Arrintaas ayaa keentay xiisad gaarsiisan in la xiro dadkii lacagta aqbalay. Dhinaca kale odayaal ka mid ah odayaasha reer Bosaaso ayaa dhibsaday xariga odayaasha una soo jeediyey maamulka Puntland eedayn.

 

Arrintaas waxaa ka horraysay in Raiisal Wasaaraha Somalia yimid Gaalkacayo, uuna diiday hab maamuuskii loogu talagalay imaanshihiisa, toosna ula xiriiray dhalinyaro la sheegay in dad isaga wakiil u ahaa ugu diyaariyeen Garoonka uuna halkaas ku gudoonsiyey lacag dib u habayn loogu samaynayo garoonka cayaaraha Gaalkacayo. Labadaas arrimood Dawlad Puntland waa dhibsatay, waxayna u arkeen gacan dhaaf iyo xadgudub abuuraya xasarad siyaasadeed.

 

Labadaas arrimood waxaa ka horreeyey khilaaf siyaasadeed oo Farmaajo iyo Raiisal Wasaaruhu markii hore ku diideen shirkii Garowe markii dambe oo ay yimaadeena ay ka caga-jiideen in wax ka soo baxaan. Dad badan baa aaminsan in arrintaas uu ka dambeeyey Khayre oo xataa hab maamuuskii loogu talagalay xadgudub badan ku sameeyey laakiin cidina aanay isweydiin.

 

Waxaa kale oo la ogyahay ilaa intii laga qaaday jagada Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Mudane Juxa in Dawlada Dhexe dagaal-hoosaad kula jirtay Dawlad Goboleedyada Khaasatan Puntland, Galmudug, iyo Jubbaland.

 

Waxaa iyana xusid mudan in Puntland doorashadeedii 2019 ay Dawlada Dhexe ku bixisay lacag malaayiin gaaraysa duhur cad oo aan qarsoodi ahayn, iyada oo askartii qaranka lacag loo la’yahay. Ujeedka lacagtaas loo bixinayey waxay ahayd in Dawlada Dhexe ay iyadu soo doorato qofkii hogaamin lahaa Puntland 5ta sano ee soo socota halkii Baarlamaanka Puntland si xor u soo dooran lahaayeen. Arrintaasi waxay ahayd dembi qaran (National treason) sharci ahaana maxkamad ayaa lagu geyn karay awoodana looga xayoobin karay Madaxweynaha iyo cidii la ogayd, laakiin lama danayn iyada oo wax badan la xeerinaayo.

 

Arrimahaas isbiirsaday ayaa keenay in Dawlada Puntland u aragto arrinta lacag bixinta mid lagula dagaalamayo jiritaankeeda, magaceeda, iyo xasiloonideeda. Waxaadna moodaa in Khayre iyo Farmaajo u soo dhiil-dhaansadeen la dagaalkan Puntland halkii ay ku mashquuli lahayeen xasilinta magaalada ay degan yihiin ee ajnebigu ku ilaaliyo.

 

Xadgudubyada noocaan ahi maxay uga dhacaan Somalia? Sida lala socdo Somalia ma leh Maxkamad Distuuri ah (Constitutional Court) oo masuuliyadeedu tahay inay ilaaliso dushana kala socoto in aan lagu xadgudbin distuurka iyo masiirka ummada Soomaliyeed. Sidoo kale waxay ahayd in maxkamadaasi wax kala tiraahdo Dawlada Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah marka khilaaf soo kala dhexgalo. Dhisid la’aanta maxkamadaas ayaa macneheedu tahay in la xalaalsan karo ku xadgudbida distuurka dadka iyo dalka. Maantana ismaandhaafka ka jira Bosaaso waxaa masuul ka ah Dawlada Dhexe sabatoo ah xaakimkii qaban lahaa weli ma iman.

 

Si kasta ha ahaatee arrinta Boosaaso waxaa haboon in madaxweynaha Puntland soo afjaro arrinta khusaysa odayaasha laguna dhameeyo isqacin madaxweynuhuna iska ilaaliyo inuu ku dhaco dibinta Xamar laga soo maleegayo.

 

Dhinaca kale, waxaan dadweynaha reer Puntland xasuusinayaa khaasatan dhalinyarada “in inta xiriirka hoose la idin leeyahay ay ku egtahay inta Puntland nabad tahay oo maamul shaqaynayaa ka jiro”.

Omar Mohamud Farah OAM (Dhollawaa)

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author