Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland oo badbaaday Qarax lagula eegtay Bosaso

04 August 2019 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta  iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka badbaaday qarax lagula eegtay gaarigiisa oo marayay bartamaha magaalada Bosaso.


Gaariga wasiirka oo ahaa nooca loo yaqaan HELUX ayaa qaraxa lala eegtay xilli uu marayey laamiga weyn ee bartamaha magaalada waxaana ku dhaawacmay askari ka mid ahaa ilaalada Wasiirka.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in wasiirka oo saarnaa gaariga uusan wax dhaawac ah ka soo gaarin qaraxa balse uu burbur ka soo gaaray gaarigiisii.

Puntlandes.com

About The Author