Nabadoon Axmed ”Qaraxii lagu dilay Duqii Muqdisho waxaa laga abaabulay xarunta Gobolka“
04 August 2019 (Puntlandes) Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse oo kamid ah ehelada marxuum Eng. Yariisow ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay Duqii hore ee Muqdisho uu ahaa mid xarunta gobolka laga abaabul.
Nabaddoon Axmed ayaa yiri ” Yariisow wuxuu ku baxay si uusan mudneyn oo cadowtooyo ah, waxaan ka rabnaa madaxweynaga iyo ra’iisul wasaare iyo dhammaan dadkii falkaas ka dambeeyay la helo si cadaaladda loo hor-geeyo “.
Nabaddoonka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan qabnaa in dadka dilay ay ku dhex-jiraan maamulka gobolka Banaadir, waxaana qabnaa in la marsiiyo wixii uu maray Eng. Yariisow wax kasii daran. Waxaan rabnaa caddaalad inuu helo.”
Puntlandes.com