Daawo Sawirro & muuqaalo: Kullan muhiim ah oo magaalada Halmstad ee dalka Sweden ka dhacay
04 August 2019 (Puntlandes) Magaalada Halmstad ee dalka Sweden ayaa waxaa ka dhacay shalay oo ay taariikhdu ahayd 3da Agoosto kullan sanadle ah oo lagu guubaabiyo dhalinyada.
Jaaliyadda Soomaaliyeed oo kullanka qabata sanad kasta ayaa ujeedada kullanku waxa uu ahaa in dhalinyada Soomaaliyeed lagu dhiirigeliyo inay waxbartaan kana faa’iidaystaan fursadaha dahabiga ah ee ay haystaan.
Munaasabada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ugu horayn waxaa furay Liibaan Xasan oo ka soo shaqeeyey wuxuu mahadnaq ka soo qaybgalayaasha kadib kusoo dhaweeyey mikofoonka gudoomiyaha Jaaliyadda Cabdi Shirwac oo isna dhankiisa u mahadceliyey kasoo qaybgalayaasha sharaxaadna ka bixiyey jeedada kullanka.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu ku wareejiyey mikofoonka sheekh Maxamed si uu wacdi iyo waano ugu jeediyo kasoo qayb galayaasha. isagoo ku dheeraaday in Allah laga cabsado aana la dhiman iyadoo aan Muslin la ahayn.
Kadibna waxaa lagu soo dhaweeyey mikofoonka Cabdirisaaq Sh. Maxamuud iyo Maxamed Warsame oo ka socday ururka Somaliska Akademiker, iyagoo kasoo qaybgalayaasha sharaxaad dheer uga bixiyey shaqada ururkooda iyo muhiimadda ay waxbarashadu leedahay.
Maxamed Mahdi oo dhiganaya sanadkii sadexaad Jaamacad ku taala dalka Letvia, kana barana Caafimaadka/Micdice ayaa sharaxaad ka bixiyey sida lagu codsado, nolosha ardaynimada ee halkaas iyo waxbarashada sanadeheeda hore, wuxuu kaloo ka hadlay guud ahaan waxbarashada loo aado dalalka Yurub.
Suldaan Axmed ayaa isagu dhankiisa ka hadlay muhiimadda midnimadu ay leedahay iyo in Jaaliyad ahaan mid la ahaado laga qaybqaato dhaqaale ahaan si dhalinyarada oo jiilka beri ah wax loogu qabto sida munaasabadahaan oo kale, mid Sport iyo kuwo kale.
daawo Wacdigii iyo waanadii Sheekh Yusuf
Ugu dambayntii waxaa kalmadahooda guubaabadda iyo wacyigelinta ah kusoo xiray kullanka Sheekh Cismaan iyo Sheekh Yuusuf.
Daawo Wacdigii iyo waanadii Sheekh Osman