Daawo Video: Xisbiga Waddani “Waxaa maanta madaxtooyadii Somaliland fadhiya madaxweyne dulqaadka doqoniimo u yaqaan”
04 August 2019 (Puntlandes) Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uu shalay xisbigooda u jeediyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye.
Balse, Xog-hayaha guud ee Xisbiga Waddani ayaa beeniyay dhammaan eedaymaha xukuumaddu u jeedisay, waxaana uu sheegay in maamulka Muuse Biixi ku fashilmay xallinta tabashooyinka ka jira gudaha Somaliland oo sida uu sheegay u baahan dulqaad iyo mas’uuliyad.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in mowqifka Xisbiga Waddani ee ku aaddan Jabhadda Col. Caarre, uu yahay in wada-hadal iyo dulqaad lagu dhammeeyo tabashooyinka jabhaddaasi, isagoo ka digay in haddii kale ay xaaladdu ka sii darayso.
Dhinaca kale, Xog-hayaha Waddani ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa oo uu ku eedeeyay in ay fashil ku socoto, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay wasiirka Warfaafinta Somaliland.
daawo shirkii jaraa’id ee Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani
Puntlandes.com