Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo dib loo dhigay kadib markii ay xaroon waayeen ergooyinkii

04 August 2019 (Puntlandes) War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa maanta waxaa lagu shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid shirka oo lagu waday in uu furmo 5-ta Bisha Agoosto oo ku beegan maalinta Berrito ah.

Sababta dib u dhaca shirka ayay Guddiga Ku sheegeen in ay tahay in, iyadoo la tixgalinayo maalmaha baroordiiqda loo asteeyey iyo munaasabadda maamlmaha Ciidul Adxaa ee foodda nagu soo hayso dib loo dhigay mudada shirkaas laakiinse warar kale ayaa sheegaya inysan jirin ergo u timid sherka magaalada Dhuusamareed.

Guddiga ayaa tilmaamay in Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug la qaban doono 17 Bishaan, iyagoo ugu baaqay Ergooyinka ka qeyb galaya shirka inay yimaadaan Magalada Dhuusamareeb.

Guddiga  ayaa waxay horay u booqdeen magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelo kale si bulshooyinka ku nool magaalooyinkaas loogu qanciyo ka qeybgalka shirka.

Puntlandes.com

About The Author