DAAWO VIDEO: NIN IS-FAANSHAY WAA RI ISNUUGTAY
05 August 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore Puntland isla markaasna ah Senetor ka tirson Aqalka Sare BJFS C/raxmaan Faroole oo ka hadlayey xafladii xuska munaasabadda 1da Agoosto ee aasaaskii Puntland ayaa khudbadiisa ku soo koobay inuu wax walba isagu hormuud ka ahaa.
Waxaa hubaal ah ama Soomaaliya ha noqoto guud ahaan ama gobolda dalka khaasatan Puntland in maqaawiir muxtarimiin ah ay usoo halgameen ilaa ay soo gaarsiiyeen meeqaanka ay maanta joogto ayna doonayso inay ka amba qaado, maqaawiirtaas badankood xag aakhriro ayey u jahaysteen allah janadiisa ha ka waraabiyee inta noolna khaatumadooda ha u suubiyo.
Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole khudbadiisii wuxuu ku koobay inuu kaligiis hormuud ka ahaa waxqabadkii ha noqoto Federaalka ama Puntland, isagoo aan cidna wax u hambayn, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “NIN IS-FAANSHAY WAA RI ISNUUGTAY“.
Waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa “haddii lagu sheelo waa la is sheegaa, haddii lagu sheegana waa la is sheelaa” marka iyadoo lawada ogsoon yahay in “intii karaa ah” aad dalka wax u qabatay, isla markaas waxaan kugu haboonayn in aad munaasanad walba makarofoonka hor taagan tahay adigoo aan cid kale wax u reebayn.
MUDANE MADAXWEYNE DIB ISUGU NOQO!!. Talada adigaa ku nool!!!!
Puntlandes.com