Akhriso Musharaxiinta is bedel doonka Jubbaland oo soo saaray shuruudo ku aadan doorashada

07 August 2019 (Puntlandes) Musharaxiinta is bedel doonka Jubbaland oo maalintii shalay la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Guyo oo maalmahan ku sugan Kismaayo ayaa soo saaray shuruud ku saabsan hannaanka doorashada Jubbaland, si ay ugu dhacdo si xor iyo caddaalad ah.

Xubnahan Musharaxiinta Is bedel doonka ee ka soo horjeeda Axmed Madoobe ayaa weli is diiwaan gelin, iyadoo muddo dheeraad ah oo Guddiga doorashada Jubbaland ku daray waqtiga is diiwaan gelinta ay mar kale diideen inay is diiwaan geliyaan.

Qoraal ay Beesha Caalamka u direen ayaa waxay ku dalbadeen:

1. In la kala diro guddi ku sheega doorashada Jubbaland.

2. In la magacaabo guddi doorasho oo cusub

3. In odayaasha dhaqanka rasmiga ah oo kaliya ay xildhibaanada so xulaaan

4. In halkii boos hal magac oo kaliya uu odey dhaqameedku soo gudbiyo

5. In doorashada lagu qabto goob dhex-dhexad ah sida Xerada UN-ka

6. In ay AMISOM ay ilaaliso amniga doorashada iyo kan musharixiinta

7. In Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan doorashada.

8. In warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxaligaba ah ay doorashada si toos ah u tabiyaan.

 

Puntlandes.com

About The Author