Dhagayso Wasiir Oomaar oo sheegay inaysan u kala gooshi karin magaalooyinka Somalia dhexdooda diyaaradda Ethopian Airlines

07 August 2019 (Puntlandes) Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Oomaar oo waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa wuxuu sheegay inaysan u kala gooshi karin magaalooyinka Somalia dhexdooda diyaaradda Ethopian Airlines, isla markaana ganacsigaas uu xiran yahay oo kaliya shirkaddaha duulimaadyadda Soomaalida.

Wuxuu sheegay Wasiirku inuu jiro heshiis horay loo galay kaasoo ah ( Draft), isla markaana diyaaraddu samayn karto oo keliya duulimaadyo ah Muqdisho-Adisababa Ama Hargaysa-AdisAbaba Ama Garowe-AdisAbaba sidaas si la mid ahna ay samayn karaan diyaarada Somali Airlines Ama cida ku matalaysa.

Wuxuu sheegay in 1988 labada dawladood ku kala saxiixdeen heshiis u ogolaanaya inay ku kala tagaan dhawr magaalo oo ku kala yaala labada wadan, hadana ay wadaan heshiis cusub oo labada wadan u dhaxeeya.

Dhagayso waraysiga uu wasiirku siiyey VOA

Puntlandes.com

About The Author