Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay inaan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland (Sool Sanaag iyo Cayn)
20 August 2019 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay ee Sool Sanaag iyo Cayn.
Puntlandes.com