Daawo muuqaal & sawirrada Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Puntland oo kormeer kutagay Dhismaha Dekadda Magaalada Garacad
24 August 2019 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda dawladda Puntland Maxamed Cabdulaahi Cusmaan Majiino ayaa kormeer ku tagay Dhismaha Dekadda Garacad ee deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
Mashruucaan ayaa lagu dhisayaa si isku tashi ah oo ay ku dhisayaan shacabka iyo dawladda Puntland, waana mashruucii ugu horeeya oo noociisa oo kale ah oo ka hana qaada Soomaaliya guud ahaan qaaradda Afrika.
Waxaa la diyaariyey dhagaxaantii iyo shubkii lagu aasi lahaa badda, waxaana iminka la sugayaa in Dabaysha xagaaga oo aad u xooggan ay istaagto ama yaraato kadibna waxaa bilaabanaysa shaqadii badda gudaheeda ahayd.