Ciidamada laga dejiyay Dhuusamareeb oo la wareegay Xarumo muhiim ah & RW Kheyre oo ku sii jeeda
25 August 2019 (Puntlandes) Ciidamo cusub oo dowladda Federaalka ka dejisay magaalada Dhuusamareeb ayaa la wareegay xarumo muhiim ah, kuwaasoo saakay diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo labo diyaaradood saaka ka dejisay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay gaarayaan 120 askari, oo uu hoggaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole oo ah Taliyaha Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramacad.
Wararka ayaa sheegaya Ciidamadan ayaa la wareegay Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb, halka uu shirka dib u heshiisiinta ka dhacayo, goobaha ka dejiyay Ergooyinka iyo koontaroolo amniga laga sugayo oo ku yaalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale Ciidamadan ayaa la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, halkaasoo horay amnigiisa ay u sugayeen Ciidamada DANAB.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, si uu uga furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Dhuusamareeb dhaq dhaqaaq ay dowladda Federaalka kula wareegeysay Amniga guud ee magaalada, iyadoo muuqata in awooddii Ahlusuna ku laheyd magaalada ay si tartiib tartiib gacantooda uga baxeyso.
Puntlandes.com