Xaaf oo xil ka qaadis ku sameeyay wasiir ka tirsan Galmudug
25 August 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay wasiirkii wasaarada Qorshaynta Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, wuxuuna Hay’adaha Dawlada iyo cidii la shaqayn jiray wasiirka ku amray in hadda ka dib aysan wax shaqa ah dhex marin.
Isla digreetadaan waxaa lagu magacaabay sii hayaha xilka Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Galmudug oo loo magacaabay Wasiiru dawlaha Wasaaradaas Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.
Xaaf ayaa horay u shaaciyay inuusan u tartamayn xilka Madaxweynaha Galmudug waxaana deegaanadaas ka socda shirar dib u heshiisiineed iyo kuwa la xiriira abaabulka doorashada.
Puntlandes.com