Daawo Video: Beesha Obokor Ciise ee Ciise Maxamuud ”C/laahi M. Jabriil hadduu dhereg udhinto Deni & Aaranjaan ayaa la waydiinayaa”
26 August 2019 (Puntlandes) Odayaal iyo dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Obokor Ciise ee Ciise Maxamuud ayaa ku hanjabay inay jawaab waafiya siin doonaaan dowladda Puntland haddii aysan ka daba harin Af-hayeenka Nabaddoonada Puntland Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jabriil oo sida ay sheegeen xalay ay dawladdu isku dayday inay xirto laakiin ku guuldaraysatay kadib markii laga difaacay.
Nabaddoonka ayaa dhawaan waxay dawladda Deni ee kooxda Aaran Jaan garwadeenka ka tahay ku 14 cisho magaalada Garowe balse waa la sii daayay kadib markii maxkamadda Derejada Kowaad ee magaalada Garowe ay wax dembiya ku wayday.
Mid ka mid ah waxgaradka beesha hadlay ayaa yiri ”waxaan usoo jeedinayaa madaxweynaha Puntland & koox muska kaga naban oo dadku wada garanayo (AARAN JAAN), waan naqaan dhaqamadooda C/laahi Maxamed Jabriil hadduu dhereg u dhinto caawa Deni iyo kooxdiisa (Aaran Jaan) ayaa la waydiinayaa”
Wuxuu sidoo kale sii raacshay inuu ka dhamaadau dulqaadkii wuxuuna yiri ”waxaanu cadaynaynaa maanta in aanaan u dul qaadan doonin sidii markii hore”
Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni oo ku shaqaynaya koox ku naban ee AARAN JAAN, ayaa waxa uu shacabka reer Puntland ku bilaabay caburin, cagojuglayn iyo xarig, waxaan lala beegsanayaa dadka ka aragtida duwan w aana dhaqan lagu yaqaan AARAAN.
Deni oo aan xukun hayan mudo 7 bilood ah ayey Puntland meeshaas maraysaa, in Beelihii har cad is hubeeyaan, waxaan shaki ku jirin inay maanta Puntland u baahan tahay badbaadin.
Daawo shirkii jaraa’id ee waxgaradka beesha Obokor Ciise
Puntlandes.com