Sawirro: Xafladda Soo Dhawaynta Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran oo Ka Dhacday Columbus Ohio ee Dalka Maraykanka
26 August 2019 (Puntlandes) Munaasabad aad u ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Columbus Ohio ee Dalka Maraykank. Munaasabadaan ayaa ahayd mid lagu soo dhawaynayay Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed iyo wafdiga uu hoggaaminayay oo booqasho ku soo gaaray dalka Maraykanka.
Xafladdaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus Ohio, oo ay kamid ahaayeen Culimada, Dhaqanka, Aqoonyahaynka, Haweenka, Dhallinyarada, Fannaaniinta, Warbaahinta iyo Dhammaan bulshada qeybeheeda kala duwan.
Xafladdaan dadki kala duwanaa ee hadallada kasoo jeediyay ayaa dhammaantoodba aad usoo dhaweeyay una bogaadiyay Xisbiga Himilo Qaran, iyagoo sheegay inuu yahay Xisbiga ugu habboon in lagu aamino talada Dalka, si uu Umadda usamata bixiyo.
Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed oo soo xiray Xafladda ayaa ku ammaanay Jaaliyadda sidii diiranayd ee u soo dhaweeyeen, isku duubnida ka dhex jirta had iyo jeer iyo siday u garab taagan yihiin dowladnimada Soomaaliyeed.