Sheekh Shaakir oo ku dhawaaqay inay Dowladda Federaalka ka baxday Heshiiskii ay la gashay Ahlsuna
27 August 2019 (Puntlandes) Qoraal kasoo baxay Madaxa xukuumadda Ahlusuna Sheekh Shaakir Cali Xasan ayuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka baxday heshiiskii ay la galeen Hoggaanka Ahlusuna isla markaana Ciidamo fara badan ay soo gelisay deegaanada Galmudug.
Qoraal ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay weerar qaawan ku soo qaaday deegaanka.
Sheekh Shaakir ayaa ku baaqay in Ciidamada Ahlusuna ay u diyaar garoobaan difaaca deegaankooda.
Hoos ka akhriso qoraalka
Puntlandes.com