Akhriso Shirkii Madasha Guddiyada Dastuurka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed oo laga soo war-murtiyeed
28 August 2019 (Puntlandes) Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah.
Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal.
Halkan ka akhriso Qodobada laga soo saaray Shirkii Garowe