BURSAALAX OO AH DEGMO SHARCI AH AYAA WAXAA WEERAR QAAWAN KU SOO QAADAY DAWLADA DENI!!!!
Muuqaalka hoose waxaad ka daawan kartaa Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Dhabancad oo usoo wakiishay wasiir kuxigeenkiisa inuu ku dhawaaqo in Bursaalax aysan ahayn degmo, noqona karin ee ay tahay beel ka mid ah degmada Galdogob.
Wasiirka ayaa yiri ”Bursaalax waa subdistrict (beel) ay xukunto degmada Galdogob, oo isku degmo ah hadana maamul hoosaad sii leh, sidii dawladdii Soomaaliya ahaan jirtay Degmi, subdistrict (beel)…waxaa jiri jirtay xiligii dawladdii dhexe ee Soomaaliya degmadu inay yeelato Beel, Beeshu gole deegaan bay yeelan jirtay ama maamul Beeshaas waxaa xukumaysay degmada..”
Maamulka Aaran Jaan ee iminka ka taliya Puntland oo uu madaxweynaha ka yahay Siciid C/laahi Deni ayaa la qaatay wasiir Dhabancad dagaalka cad oo uu ku hayo reer Bursaalax, iyagoo ku dhiiraday inay ku dhacaan si bareer ah inay u dhahaan Degmo ma ahan Bursaalax.
Golahii wasiirada dawladda Puntland ee madaxweynaha ka ahaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ansixeyey 29kii June 2017kii degmonimada Bursaalax iyo sadex degmo oo kale, kuwaas oo kala ah:
- Bursaalax oo ka tirsan gobolka Mudug
- Shaxda oo ka tirsan gobolka Karkaar
- Xumbays oo ka tirsan gobolka Bari
- Dhudhub oo ka tirsan gobolka Karkaar ah
Xildhibaanada baarlamaanka dawladda Puntland ayaa 29kii July 2017kii ansixiyey 4 Degmo oo cusub oo ay magacawday Xukuumadda Puntland, kuwaas oo ay ku jirtay Degmada Bursaalax.
Sida kor ku cad 29kii july 2017kii ayey Dedmada Bursaalax noqotay degmo sharci ah oo ka mid ah degmooyinka Puntland,kuna biirtay degmooyinka uu ka mid yahay gobolka Mudug.
Dagaalka Dhabancad uu wado kuma guulaysanayo maxaa yeelay Bursaalax waa degmo sharci ah oo ay Madaxweyanaha, golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka dawladda Puntland ansixiyeen sharcina ku ah degmo ka mid ah degmooyinka Puntland.
Waa su’aale imisa degmo iyo misa gobol ayey golayaashii Wasirrada iyo Baarlamaanadii dawladda Puntland soo maray ay ansixiyeen sharcina ah maanta oo ku shaqeeya?
Maxay degmada Bursaalax uga duwan tahay kuwa kale oo uu Dhabancad ula baxay? Mise tun jileec iyo in wixii la rabo laga samaysan karo reer Bursaalax ayaa la biday?
Waa sharci daro, shacabka Bursaalax na ma aqbalayaan in la hoos geeyo degmada Galdogob, waana labo degmo oo ka wada tirsan Puntland.
Ma ahan wax xataa caruurta loogu sheekeeyo waxaa loo hoos geeyey Galdogob si looga faa’iidaysto mashruuca JLPG, mana ahan sax la aqbali karo.
Dhabancad iyo dawladda Aaran Jaan marka ay soo tir tiraan gobolada iyo degmooyinka la magacaabay intii ay Puntland jirtay, marka ay degmo kasta oo la magacaabay iyo gobol kasta ku celiyaan degmadii uu ka tirsanaa ayey kaba hadli karaan Bursaalax, ee taas ha ogaadaan.
Maxay Bursaalax uga duwan tahay degmooyinka Degmada Buuhoodle laga magacaabay iyo gobolka laga dhigay?
Maxay Bursaalax kaga duwan tahay degmooyinka Sool loo magacaabay?
Maxay Bursaalax kaga duwan tahay degmooyinka Sanaag loo magacaabay iyo gobolka laga dhex sameeyey?
Maxay Bursaalax kaga duwan tahay degmooyinka gobolka Bari loo magacaabay iyo sadexda gobol oo laga dhex sameeyey?
Maxay Bursaalax kaga duwan tahay degmooyinka gobolka Nugaal loo magacaabay?
Maxay Bursaalax kaga duwan tahay degmooyinka kale ee gobolka Mudug loo magacaabay?
Tusaale ahaan afarta degmo ee ay dawladda Deni ka qabanayso doorasho tijaabo ah ma ahan degmmoyinkii hore hore ee ay ka tagtay dawladdii Soomaaliya sida Bursaalax waa degmooyin cusub oo ay Puntland magacawday intii ay jirtay waan kuwan Xarfo, Dangorayo, Waaciye iyo Carmo.
Sidaan kor KU Soo xusay, degmada Bursaalax waa degmo sharci ah, islamarkaasna buuxisay shuruudihii degmanimo iyo sharciyadiiba, Riyada cuqdadaysan,ee Mudane Mohamed Dhabancad waxay KU dambayn Doonta, iskuday guuldaraystay oo keliya.
Mudane Dhabancad wasiirka Arimaha Gudahu, maaha dhacdadii ugu horsysay,ee sharcidaro ah,ee uu isku dayo, waxaa midaan ka horaysay dhismihii golaha deeganka,ee degmada Galkacyo oo wado sharcidaro ah,loo maray taasoo ka Soo horjeeda, sharciga dowladaha hoose,ee Low no7 iyo habraacyada,lifaaqyada doorashooyinka dowladaha hoose,ee Puntland, wasiir Dhabancad wuxuu layimid,Galkacyo sharci cusub,oo isaga rabitaankiisa ku qotoma iyo damaciisa qabyaaladaysan,wuxuuna, yiri beelkasta oo xubin kuleh,golaha deeganka ha ii keento, sadex xubnood,oo midi dumar tahay si aan anigu ugala baxo qofka dooranaya, wiilka aan adeerka u ahay oo aan anigu degmada la jeclahay inuu Madax ka noqdo, waana u suurogashay sharcidaradaasi.
Sharcidarada labaad,ee qabyaaladaysan ee wasiirka u suuro gashay ayaa waxay tahay Agaasime, waaxeed ka tirsan wasaaradiisa,oo uu shaqada uga cayrshay sifo sharcidaro ah, taas oo baalmarsan xeerka dhaqaalaha Puntland,isagoo sababta shaqada looga cayrshay ay tahay oo keliya, beeshiisa oo uusan wasiirku jeclayn, halka uu markiiba ka shaqaalaysiiyey labo Jifadiisa ah, Isla wasaaradiisa.
Geba gebadii dowlada Puntland, waxay ka kooban tahay 18 wasaradood, wasaarada wasiirka Arimaha gudaha,maxaa KU gaar ah,oo sharcidarada iyo dad gaar ah, la dirirku ku kalifay?
Waa iska cadahay oo wasiir Dhabancad baa horay qabaa’ilka Mudug qaybtood u ciilqabay, hadana isleh, ku ciilbax xilkan laguu dhiibay,ee wasiirka gudaha, waxaase xaqiiq ah, inuu isagu meesha ka bixi doono isagoo ciilqabe ah.
Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)
Puntlandes.com