Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay oo wajiga kaga dhuftsy Kenya qaraarka 1267

28 August 2019 (Puntlandes) Qaraanka tirsigiisu yahay 1267 oo soo baxay sanadkii 1999kii, looguna talogalay in uu saamayn ku yeesho  Barnaamijkii Oil for Food ee Ciraaq xiligii Sadan Xuseen iyo Liibiya oo uu ka talinayey Qadafi xiligaas, kadibna waxaa lagu daray wadamadii kale ee burburay sida Afgaanistaan.

Kenya waxay u ololaynaysay 9kii bilood ee u dambaysay in lagu daro qaraankaas kooxda Alshabaab, iyadoo ujeedadu tahay in shaqsiyaadka Sooaamlida ee Kenya iyo Soomaaliya ay liiska cunaqabataynta ku darto.

Waxaa kaloo ay uga dan lahayd in liiska lagu daro shirkada Soomaalida ee Kenya ka shaqeeya, ganacsatada Soomaalida ah iyo siyaasiyiinta Soomaalida ah ee ku kala nool Soomaaliya iyo dhulka ay soomaalidu degto.

Sharcigaan hadda ka hor waxaa lagu qaaday Shirkadii Barakaat iyo madaxdeedii, iyadoo aysan jirin wax dambi oo ay galabsadeen.

Sidaas darteen dadaal dheer ka dib oo si hoose ay u gashay dawladda Federaalka Soomaaliya sadexdii bilood ee u dambaysay oo ku ekayd 29ka bisha agoosto ka hor haddii aysan mid ka mid 15ka dawladood ee xubnaha ka ah golaha amaanka diidin wuu sharciyoobi lahaa (waxaa looga baahan yahay in wadanku qoraal keeno lagu diidayo arintaas).

Caawaa ayaa waxaa hal mar wada diiday 6 wadan oo kala ah USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait, sidaasna waxaa daadku ku qaadku ku qaaday isku daygii Kenya ay doonaysay inay ku cunaqabatayso Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author