Alshabaab oo soo bandhigay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Hirshabelle
03 sept 2019 (Puntlandes) Ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo codka mid ka mid ah Agaasimayaashii hore ee Madaxtooyada Hirshabelle oo isku dhiibay.
Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” oo dhowr bilood ka hor laga qaaday xilka agaasimaha madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta taageerta Alshabaab.
Warbaahinta ayaa xustay in Xasan Mahdi uu ku sugan yahay xarunta walaayada gobolka Hiiraan oo ah Buqda Caqable.
Xasan Mahdi ayaa sheegay in muddo saddex bilood ahaa agaasimaha madaxtooyada Hirshabelle haatana isaga baxay siyaasadda.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle oo ku saabsan Agaasimahii hore ee Madaxtooyada Hirshabelle Xasan Mahdi oo isu dhiibay Alshabaab.
Puntlandes.com