Ciidan taabacsan hogaamiye Burcad badeed ah oo gooyay isu socodka wadada isku xirta Garowe & Bosaso

03 sept 2019 (Puntlandes) Wararka laga helayo laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa sheegaya maanta inay hakad galiyeen isu socodka gadiidka ciidamo taabacsan sarkaal magaciisa la yiraahdo Ciise Yulux oo horey u ahaan jirey hogaamiye kooxeed burcad badeed ah oo ka hawlgali jirey deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Ciidankaan taabacsan Ciise Yulux ayaa sanado ka hor la hawlgali jirey sida la xasuuqto Cabdisamad Gallan oo iminka ah Wasiirka Amniga Puntland,waxaana maanta jidgooyo ay dhigteen wadada u dhaxaysa Degmada Carmo iyo magaalada Bosaso,sida ay xaqiijiyeen gadiidleyda ku safreysa wadadaas.

Ka dib heshiis hoose oo 2017 la dhexdhigey Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Maleeshiyaad uu hogaaminayay xilligaas Cabdisamad Gallan oo khilaaf soo kala dhexgalay Cabdiweli Gaas, wuxuu ka mid ahaa hogaamiyihii horre ee burcad badeeda Ciise Yulux ciidamo xilligaas Puntland ku jiheysay degmada Qandala oo ay markaas qabsadeen kooxo ka tirsan Ururka Daacish.

Sababta ka dambeysay xanibaada ay  sameeyeen maleeshiyaadka taabacsan sarkaalka magaciisa la yiraahdo Ciise Yulux ayaa ka dambeysay ka dib markey sheegeen in la siin waayay xuquuq iyo mushahaar ay ku sheegayaan xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Denni,waxaana hakad kusoo rogeen isu socodka wadadaas saaka illaa iyo hadda.

Maaha markii ugu horeysay gudaha Puntland oo maleeshiyaad ama ciidamo ka gadoodaan xuquuq iyo mushahaarooyin ay ka waayeen maamulka.

Puntlandes.com

About The Author