Akhriso Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Agaasime guud loo magacaabay, yaa laga qaaday?

04 sept 2019 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda u magacaabay Jihaan C/llaahi Xasan.

Jihaanayaa waxaa lagu bedelay Warsame Maxamuud Xasan oo si KMG u soo hayay xilkaas isagoo bedelay Prof Sonkor, waxayna labadii hore kasoo jeedeen beelaha Majeerteen.

Dawladda Federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ayaa beelaha Majeerteen ku haysa sifayn ay xilalka sare uga qaadayso, iyadoo ka xayuubisay xilkii u dambeeyey ee ay beelaha Majeerteen ka hayeen dawladda Federaalka waxayna horay uga qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe hadana waxay ka qaaday Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhiga, taas oo ah xilkii u dambeeyey marka laga reebo xilka golaha wasiiradda ay beelahaasi ka hayeen DFS.

Hoos ka akhriso wareegtada

Puntlandes.com

About The Author