Dhagayso Mowqifka dowladda ee dhageysiga dacwadda Badda
05 sept 2019 (Puntlandes) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya aysan raalli ka aheyn in dhageysiga Kiiska dacwadda Badda dib loo dhigo, isla markaana aysan ogolaan doonin dalabka Kenya ka yimid oo ahaa in dacwadda Badda dib loo dhigo illaa 12 bilood.
Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Mowqifka dowladda uu yahay in dacwadaas aan dib loo dhigin, isla markaana ay halkeeda ka sii socoto, maadaama ay shan sano qaadatay dacwadaas.
“Mowqifka rasmiga ee dowladda waa in dacwadaas aan dib loo dhigin, in meesha ka sii socotay muddo shan sano ayay soo socotay, waqtigeeda waa la gaaray in maxakamda dhageysato, taas ayaa mowqifkeenu yahay”ayuu yiri Danjire Cali Fiqi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada xigta ay tahay in Maxkamadda ay ka sugayaan inay go’aan ka qaadan doono, ayna u diyaar garoobeen in maalinta Isniinta ee taariikhda ay tagaan Maxkamadda.
Hase ahaatee waxaa uu xusay in tan iyo Jimcaha ay ka sugayaan go’aanka ay Maxkamadda ka gaarto dalabka ka yimid Kenya ee ay ku dooneyso in dhageysiga dacwada dib loo dhigo, maadaama aanay Qarreeno heysan, kuwii horena kala eriday, isla markaana waqti la siiyo inta Qarreeno cusub ka qoraneyso.
Dhagayso waraysiga oo ay la yeelatay VOA
Puntlandes.com