Madaxweyne Deni “Wax la yiraah waqti kororsi kama dhici karo dalkaan” (muuqaaal)

17 sept 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayay oo ahaa in dowladda hada jirta ee muddo xileedkeedu uga harsan yahay 16 bilood ay damacsan tahay inay sameysato muddo kororsi labo sano ah.

Madaxweyne Deni ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in aanay dalkaan ka dhici karin muddo kororso, isla markaana uu dalka ku jiro geeddi socod siyaasadeed oo loo horseedayo in dalkaan Hey’addihiisa ay caga dhigtaan.

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Wax la yiraah waqti kororsi kama dhici karo dalkaan, maxaa yeelay dalkaan wuxuu ku jiraa geeddi socod siyaasadeed oo loo horseedayo inuu hey’adihiisa caga dhigtaan, inta taas lagu jiro wada tashi iyi isku tanaasul baa saldhig u ah”

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay illaa iyo hadda heshiis ku tahay in doorashooyinka dalka in xilligeeda dhacaan, isla markaana ay soo taxneyd illaa xilligii Mbaghathi, intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas u soo socday, balse aanan la aqbali doonin muddo kororsi.

Madaxweyne Deni ayaa ayiri“Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004 dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan inay dhacaan,  waxay dib u celineysaa in Soomaaliya halka arrin u qabsamoomay inay dib uga noqoto, hada waxaa u qabsoomay afar sano kasta in la is doorto, kaasaa rajeynayaa in aysan caqabad gelin, haddii tii la rabay la qaban waayo, in kuwo xilligii hore la qaban jiray la sameeyo oo la dhaho maxaa noo dan ah”

Guddi ka kooban 15 xubnood oo uu dhowaan magacaabay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa diyaarinaya Sharciga doorashooyinka Qaran, waxaana Guddigan oo haatan ku jira wadatashi laga filayaa inay soo bandhigaan sharciga doorashooyinka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta sanadka 2021.

Hoos ka daawo waraysiga ay BBC la yeelatay madaxweynaha

Puntlandes.com

About The Author