Sawirro: Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo u duulay magaala xeebeeda Garacad.
18 sept 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u duulay magaala xeebeeda Garacad.
Socdaalka Madaxweyne Deni ee Garacad ayaa ujeedkiisa yahay in uu fiiriyo deked sanadkii hore dhismaheeda laga bilaabay halkaas oo uu dhagax dhigay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiwali Cali Gaas .
Madaxweyne Deni iyo wafdiga uu hogaamanyo ayaa inta uu Garacad joogo kulamo la qaadan doono dadka deegaanka iyo shirkadda gacanta ku haysa dhismaha dekadda Garacad.
Waa safarkii ugu horeeyay oo Madaxweyne Deni ku tago deegaan xeebeedka Garacad tan iyo intii la doortay 8-dii Janaayo 2019.