Maamulka Axmed Madoobe oo u digay DFS
19 sept 2019 (Puntlandes) Maamulka uu hoggaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya duulaan kusoo tahay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulkaas.
War Saxaafadeed ka koobnaa sadex qodob oo kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay Arrimaha Siyaasadda, Amniga iyo Bini’aadanimada.
Ugu horreyn war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maalmihii dambe ay Al-Shabaab falal amni darro ka geysatay deegaanada Jubbaland isla markaasna 3 qof lagu dilay Degmada Beled Xaawo halka Nabadoon lagu dhaawacay Kismaayo .
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashadii ka dhacday Kismaayo loo maray sida uu qabo Dastuurka Jubbaland ayna aheyd doorasho xor iyo xalaal ah sida hadalka loo dhigay.
Ugu dambeyntii Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray illaa 3 qodob oo ay sheegtay inay ogeysiineyso Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed:
1) In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay abaabuleyso Duulaan iyo Xasarad amni darro oo ku wajahan Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo, waxaan ku wargelineynaa Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed wixii dagaalkaas ka dhasha ee khasaaro ah inay masuuliyadeeda qaadayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah.
2) Waxaan Hey’adaha Gargaarka ugu baaqeynaa inay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka tabaaleysan ee Jubbaland.
3) Waxaan Beesha Caalamka ugu baaqeynaa in Xayiraadda iyo cunqabateynta sharci darrada ah laga qaado Shacabka Jubbaland.