Sawirro: Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo gaaray Garowe
19 sept 2019 (Puntlandes) Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta gaaray caasimadda dowlada Puntland ee Garowe.
Guddiga waxaa garoonka diyaaraha magaalada Garowe kusoo dhaweeyay habdhowraha golaha shacab xildhibaan Maxamed Xasan Nuux iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland.
Ujeedkooda safarkooda ay ku gaareen magaaladda Garowe ayaa ah sidii ay wadatashiyo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ula yeelan la haayeen mas’uuliyiinta maamuul Goboleedka Puntland iyo qeebaha kala duwan ee bulshada reer Puntland.
Safarkaan ayaa noqonaayo kii labaad oo ay guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ku tagaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya.