Dhagayso Wasiir Oomaar “Kismayo kama jiro maamul la aqoonsan yahay oo lagu aamino hawada”
19 sept 2019 (Puntlandes) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar oo waraysi siiyey VOA ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay sababihii keenay inay dawlada Federaalku xayiraad saaro Duulimaadyadii sida tooska ah u tagi jiray magaalada Kismayo.
Oomar ayaa sheegay inay Dowladda go’aankaas qaadatay kadib markii sida uu sheegay in uusan maamul ka jirin Jubaland ayna u cabsadeen xuduudaha dalka, wuxuuna sheegay iyagoo gudanayo waajibaadka ka saaran Xuduudaha inay amreen in Diyaaradaha ay soo maraan Muqdisho kadibna ay usii gudbaan Kismayo
Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xanibaad la saaray Kismayo, balse go’aanka xukuumadda uu yahay “mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.”
Mar Su’aal laga waydiiyey sababta aysan xayiraad u saarin magaalooyinka kale ee Soomaaliya oo kaliya ay u bartilmaameedsadeen Kismayo ayuu sheegay in meelaha kale ay ka jiraan maamul ay Dowladda aqoonsatay uuna ka shaqeeyo Xafiisyada Immigration-ka Soomaaliya.
Sidoo kale mar wax laga waydiiyey in Ujeedka laga leeyahay xayiraadaan uu yahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xiro Siyaasiyiinta Jubaland ayuu sheegay inay arrintaas tahay been abuur ayna jirin cid ay dowladda dooneyso inay xirto marka laga reebo dad uu sheegay inay Booliska raadinayaan oo dambiyo galay.
Hadalka Oomaar ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubaland uu maanta soo saaray warbixin qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubaland.
Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho ku xirtay Wasiirkii Amniga ee Maamulka Jubaland kadib markii diyaaradii uu saarnaa ay soo martay Magaalada Muqdisho kadib amarkii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Dhageyso wareysiga Wasiir Oomaar oo ay qaaday VOA
Puntlandes.com