Sawirro: Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda & guddiga joogtada ah ee Golaha

19 sept 2019 (Puntlandes) Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo Garowe maanta soo gaaray ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/Xakiim Moxamed Axmed (Dhoobo) iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda.

Guddiga ayaa ayaa u sharaxay gudoomiyaha golaha wakiiladda Puntland iyo guddiga joogtada cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka qaranka ee ay diyaariyeen.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng.carab ) ayaa kaga mahadceliyay guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah sida wanaagsan oo ay soodhaweyn Guddiga iyo sida ay u dhageysteen sharaxaadii ay guddiga ay ka bixiyeen Cutubyada uu ka kooban-yahay Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Puntland dhoobo ayaa guddiga KMG ah kaga mahadceliyay sharaxaada ay ka siiyeen cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa ku balamay in ay mar kale ay dib u kulmaan si ay guddiga ugu soo bandhigaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.


Puntlandes.com

About The Author