Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo baaq u direy shacabka Soomaaliyeed
21 sept 2019 (Puntlandes) Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya James Swan ayaa ku dhiirigeliyay dhamaan hacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan Nabad ku soo Dabaalidda Soomaaliya.
War Saxaafadeed uu soo saaray James Swan maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ayaa waxa uu ugaga hadlay nabada., hoos ka akhriso
War Saxaafadeed
Iyadoo adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda.
“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha.
Nabad waarta waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
“Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.
Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.
Puntlandes.com