Puntland oo shaaciyay in Garoonka Diyaaradaha Garowe loo soo wareejiyay Shaqaale ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO oo ka hawl-geli jiray Garoonka Hargeysa

21 sept 2019 (Puntlandes) Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Garowe ayaa shaaciyay in Garoonka Diyaaradaha Garowe loo soo wareejiyay Shaqaale ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO oo ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, kadib markii Somaliland ay soo cayrisay shaqaalahaasi.

Mudane Gabiley ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe laga shaqa-geliyay sagaal qof oo ka tirsan Shaqaalihii hay’adda ICAO, kuwaasi oo todoba kamid ah ay yihiin kuwii ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Somaliland shaqada ka cayrisay, halka labada kalena laga soo beddelay Garoonka Boosaaso.

Waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha ka yimid Garoonka Hargeysa ee Garowe ka shaqa-bilaabay ay saddex kamid ah Puntland u dhasheen, labana ay Muqdisho ka soo jeedan , halka labada kalena ay reer Somaliland yihiin.

Puntlandes.com

About The Author