Hey’adda Duulista oo soo saartay amar cusub oo ku socda Shirkadaha Diyaaradaha ee u duulaya Kismayo
22 sept 2019 (Puntlandes) Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor duulimaadkeeda.
Qoraal ay soo saartay hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta inay soo dalbato fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismayo, si aan looga joojin duulimaadka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Hey’addu soo saartay Foom fasax ah oo laga buuxinayo Shirkadaha Diyaaradaha ee aadaya Kismayo.
Tallaabadan ayaa ah mid u muuqata isku day la doonayo in lagu joojiyo wafuuda kala duwan ee aadeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo la sheegay in caleema saarka lagu casuumay Madax kala duwan iyo marti sharaf kale
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay u soo saartay amar ah in diyaaradaha aadaya Kismayo iyo kuwa ka imaanaya inay soo maraan Muqdisho, si loo hubiyo, waxaana tallaabadan ka dambeysay doorashadii ka dhacday Kismayo ee dowladda Federaalka ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn.
Puntlaandes.cm