Shir ay isugu imaanayaan Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Xisbiyada siyaasadda
22 sept 2019 (Puntlandes) Waxaa socda qaban qaabada shir deg deg ah oo gelinka dambe ee maanta ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Axsaabta Siyaasadda, sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Jowhar.com.
Sida wararku sheegayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadda ayaa lagu wadaa inay gurigiisa ku booqdaan Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed oo maanta is hor-taag lagu sameeyay diyaarad u qaadi laheyd Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha hore iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa looga hadlayaa xaalada guud ee dalka iyo is hor-taagii lagu sameeyay Sheekh Shariif ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in kulanka laga soo saari doono war murtiyeed, iyadoo baraha bulshada si aad ah loo hadal haayo tallaabadii lagu xanibay diyaaraddii qaadi laheyd Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Hey’adda Duulista Hawada ayaa soo saartay amar ku wajahan diyaaradaha aadaya Kismaayo, iyadoo lagu amray in fasax soo weydiistaan 24 saac ka hor, tallaabadaas ayaa looga gol leeyahay in lagu hor-istaago wafuuda ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ay dhowaan sheegtay in aanay aqoonsaneyn.
Puntlandes.com