Daawo Video: Xasan Sheekh “dulqaadka dadka Muqdisho ayey dawladani ku jirtaa”

23 sept 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeeyey madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore isla markaasna ah hogaamiyaha mid kamid ah xisbiyada dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay maamulida hawada dalka iyo federalka dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulida Hawada dalkeena sanado badan dadaal loo galay sidii gacanta Soomaaliyeed loogu soo celiyo lahaa balse aysan mudneyn in shacabka Soomaaliyed loo adeegsado in lagu cunoqabateeyo maamulida hawada, isagoo ka digey in maamulka hawada soomaaliya gacanteeda laga saaro.

Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimaha ka jira magaalada Kismayo ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn in dowlada dhexe ay cunoqabatayn saarto shacabkeeda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre inay  baalmareen guud ahaan baalmaren Shuruucda dalka.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga”

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka ku nool Muqdisho in noloshu ay ku adkaatay isagoo tusaale u soo qaatay wadooyinka xiran, wuxuuna yiri “dulqaadka dadka Muqdisho ayey dawladani ku jirtaa”

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh

Puntlandes.com

About The Author