Deni oo magacaabay Agaasimaha PISA
24 sept 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Bosaso ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.
Digreeto ka soo baxday Madaxweyne Deni oo sumadeedu ahayd Lr. 93 September, 23, 2019 ayaa loogu magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Mukhtaar Maxamed Xasan oo ku magac dheer Mukhtaar Jeyte ayaa hadda ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas ayaa sanadkii hore mideeyay hay’adihii PIA iyo PSS, kana dhigay PISA. wuxuuna Agaasime ugu magacaabay Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo tan iyo xiligaas xilka hayay.
Hoos ka akhriso digreetada Madaxweyne Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.