Caleemasaarka Axmed Madoobe oo dib loo dhigay

25 sept 2019 (Puntlandes) Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dib u dhigay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, taasoo lagu waday inay qabsoomto maalinta berrito ah oo ku beegan 26 bisha September.

Warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda federalku sifo sharci darro ah ku hor istaagtay wafuudii kala duwanayd ee ka qeyb gali lahayd xafladaas.

Jubbaland ma sheegin waqti cayiman oo la qabandoono, hase ahaatee waxay shaacisay in muddo kooban dib loo dhigay xaflada madaxweyne Axmed Madoobe lagu caleemo madayo.

Hoos ka Akhriso 

Puntlandes.com

 

About The Author