Daawo Waxgaradka Burtinle ”Wasiir Dhabancad waa fashilmay”
25 sept 2019 (Puntlandes) Mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa meel kullan ah oo ay waxgaradka Burtinle iyo madax ka mid ah dawladda Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ku kulmeen waxa uu ka sheegay in wasiir Dhabancad uu ku fashilmay shaqadii uu u igmaday madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.
Nabdoonada ayaa yiri ”wasiirku waa ku fashilmay Burtinle wuxuu kala qaybinayaa beelaha Degmada, asagoo dad gaara oo Xisbigiisa ah wata waana dhaqanka Aaran Jaan ay dalka ku maamulayaan fadlan faraha kala bax Burtinle iyo beelaha wallaaha ah ee aad dakanada kala dhex dhigaysid hadii kale adoo ceebaysan ayaad Burtinle ka tagin”
Nooma suurtogelin in aan helno muuqaalka Nabadoonka laakiin waxaan helnay Nabadoon kale oo ka hadlay hadalka Nabdoonka sheegay in wasiirku fashilmay.
Waxaa kale oo Nabadoonka kale uu caddeeyey inaysan reer Burtinle ka qaadanayn wasiir Dhabancad ku tumashada Xeer low nr 7 ee uu caadaystay wasiir Dhabancad.
Dhabancad ayaa mar uu sheegay inuu dhisayey gollaha deeganka ee degmadda Gaalkacyo waxa uu si cad ugu tuntay Lr 7, wuxuuna mar kale doonayaa inuu sidii Gaalkacyo sameeyo si uu u keensado gudoomiye degmo oo gacan ku rimis ah laakiin waxgaradka degmadda Burtinle waa ay ka diideen.
Puntlandes.com