Sawirro: Garowe oo uu ka dhacay shir ku saabsan Hindise sharciyeedka lagu maamuli doono Dakhliga Guud ee Dawladda Federaalka ee Somaalia

26 sept 2019 (Puntlandes) Shir ay isku yimaadeen Gudiga baarlamaanka dhaqaalaha iyo xubnaha dawladda federaalka ee Somalia ayaa ka
dooday Hindise sharciyeedka lagu maamuli doono Dakhliga Guud ee Dawladda Federaalka ee Somaalia, hindise
sharciyeedka ayaa diiradda saarayay sida dakhliga loo maamulayo, cidda maamulaysa.


Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in laga doodo xeerkaan, loona baahan yahay in ay ka soo baxaan xeer lawada leeyahay oo qofkasta oo muwaadin ah uusan tuhun ka qabin.

Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha Baarlamaanka Somaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada tashi laga sameeyo xeer kasta oo baarlamaanka hor imaanaya, kaasoo muhiimadda gaar ah u leh dhamaan qofkasta oo somalia ah.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Puntland, Jubaland, Hirshabeele, Banaadir, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Guddiga dhaqaalaha ee Dowladda dhexe.

Shirkaan ayaa dawladda Federaalka wuxuu u leeyahay ahmiyad wayn ku saabsan dayn Cafinta Soomaaliya.

Dawladda Puntland ee u hogaamiyo Siciid Deni ayaa tan iyo markay xilka la wareegtay waxaa caado ka dhigatay xwaa goan yahy xiriirku laakiin shirarka iyo wadashaqaynta dawladda Federaalku.


Puntlandes.com

About The Author