Daawo Video: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee golaha guud, kagana halday Kiiska Badda
26 sept 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda, dhaqaalaha, Kiiska Badda ee yaala Maxkamadda ICJ iyo arrimo kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor sheegay Qaramada Midoobey in wada hadaladii ay Soomaaliya la gashay Kenya aysan miro dhalin, isagoo sheegay inay doonayaan in Kiiskaas lagu xaliyo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, isla markaana balan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto Go’aanka Maxkamadda.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay siyaasadda loo dhan yahay qorshaha dowladdiisa ee kala guurka soo socda, waxaana uu tilmaamay in doorasho loo dhan yahay uu ka dhici doono Soomaaliya sanadka 2021.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka dhaceen doorashooyin lagu guuleystay, inkastoo aanu si rasmi ah u magac dhabin maamuladaas.
Puntlandes.com