Caasumad haddii la rabo in la hormariyo oo ay noqoto meel soo jiidata muwaadiniinta oo dhan, meel la maalgashado oo soo jiidata ganacsato maalgashata iyo aqoonyahanno keena fikrado shaqo abuur iyo xirfado kusoo kordhiya, waxaa lagama maarmaan ah in shaqaalaha dawladda hoose, golaha deegaanka iyo xoghayntu la jaanqaadi karaan aqoonta, ilbaxnimada iyo nidaamka ay u baahantahay Caasumadi ( Professionalism and Seriousness)

Garoowe ma qaadi karto, iyadoo caasumaddii Puntland ah inay hawlwadeenadeedu noqdaan  kuwo u badan rag Geelii/ Arigii inta laga keenay, lagu shaqaalaysiiyey qaab qabyaaladaysan. Kuwaasoo misana loogu daray inaan la barin shaqada ay qabanayaani waxa ay tahay iyo sida loo qabto.

Waxaad la wada socotaan in asbuucyadii lasoo dhaafay dad ku dhintay, halka qaar kalena ku dhaawacmeen hawl-gallo lagu bannaynayo guryihii dawladda iyo meelo kale oo danta guud. Shaqo haddii loo diro qof aan aqoon sida loo qabto kaas oo weliba wata ciidamo aan tababar fiican haysani waxay bulshada iyo naftoodaba u geysankaraan dhibaato ka badan wanaagii ay rabeen inay qabtaan ( Xoog waxaa ugu xun, midka xarigga kaa gooya).

Halkan hoose waxaan idinkula wadaagayaa dhacdo ka mida kuwii ugu danbeeyey ee ka dhacda magaalada Garoowe.

Waxaa goob ganacsi yimid nin sheegtay inuu hubinayo oo qaadayo canshuurtii dawladda hoose ee ku waajibtey muwaadinka. Ninkii waxaa ganacsatadii goobtu tuseen inay goobtooda canshuureen sannadka inta ka dhiman eeg Receipt! oo ay tuseen cadaymahoodii.

Ninkii wuxuu ku dooday inaanu FAHMAYN WARAAQDA waxa ku qoran(malaha akhrin karahayn). Oo kolkaa bilaabay inuu handado shaqaalii goobta oo ugu dhaarto in haday casnhuurta bixinwaayaan uu ”TALLAABO SHARCI KA QAADI DOONO!!!!!”. Waxay ku adkaysteen inay canshuurtii bixiyeen waxa uu wadaana ay tahay sharci darro. Ninkii waxa uu ku laabtay dawladda hoose oo uu kasoo watay ”Agaasime waaxeed” u labisan sidii qof ”profissional” ah, ilbax, yaqaan shaqadiisa (qaba Suit) haddee waa tii Soomaalidu hore ugu maahmaahday ”dhar magaalo in la qaato waa sahal balse dhal magaalo in la noqdo baa adag” oo qormadaan inoogu suuraysan in madax la noqdo ay sahal tahay balse in mas`uuliyaddeeda la yeeshaa ay adagtahay.  Labada nin waxaa la socdey ciidan ayaga laftirkooda, ay ka hallawsantahay macnaha dawlad iyo nidaam waxa uu yahay. Police: waa sharci ilaaliye ee ma aha mooryaan awood u isticmaala shacabka, waa tan la yiraahdo ”Law enforcement officers” ma aha in dadkii loogu talo galay inay nidaamka ilaaliyaan ay ayagoo isticmaalaya hubkii dawladda ay ayagii dumiyaan nidaamka iyo kaladanbaynta.

Ninkii cusbaa wuxuu mulkiilihii iyo shaqaalihii u sheegay inay ku eedaysanyihiin inay diideen canshuurtii ku waajibtey. Goobtii ganacsi waxay dib u tuseen receipt:dadoodii iyo cadaymihii ay u haysteen inay bixiyeen canshuurtii ku waajibtey ka muwaadin ahaan.

Kani wuxuu ugu yaraan garanayey sida loo akhriyo cadaynta. Inta ka qaaday oo akhriyey ayuu u sheegay in uu jirey sharci ka danbeeyey kan ay canshuurta ku bixiyeen oo sidaa awgeed la kordhiyey canshuurtii.

Intii  buuqa iyo xarig jiidku socdey ayaa waxaa si dhexdhexaadin ah u bixiyey lacagtii ay dowladda hoose shaqaaleheedu xooga ku rabtey, ganacsade kale oo ka mid ah dadka magaalada sida weyn looga yaqaano.

Mulkiilihii goobta ganacsigu kuma qancin dooda agaasimaha iyo handadaadiisa. Waxay aadeen xafiiska dawladda hoose si ay ula kulmaan madaxada ka sarraysa. 9kii subaxnimo ilaa 12kii barqanimo uma suurtoobin in lagu qaabilo xafiiska, si loo dhegeysto doodooda. waxay aakhirkii fursad u heleen gudoomiye ku xigeenka degmada Garoowe oo runtii aad uga dhaqan duwanaa raggii hore. Wuxuu ka raali geliyey dhibaatada loo geystey oo uu ka ballan qaaday inayan soo noqondoonin arrinkan oo kale. Waxaa aad wax looga xumaado ah inuu xafiiskii ku arkay agaasimihii dhibka geystey kaas oo gartay inay dacwo ka yihiin asaga. kolkaa ayuu wuxuu bilaabay handadaad kale iyo cago jugleyn hor leh asagoo ka carooday dacwada laga yahay asaga iyo qaab dhaqankiisa shaqo.

Si Garoowe ay u noqoto caasumad la tartanta caasumadaha kale ee Soomaaliya iyo Caalamka intaba, waxaa loo baahanyahay inay ka hawl-galaan shaqaale wata AQOONTA, IYO ILBAXNIMADA ay u baahantahay Caasumadi.

waxaa kale oo loo baahanyahay in police:ka lagu tababaro waxa ay police u yihiin inuu yahay, inay sharciga ilaaliyaan ee aysan dharka iyo hubka u wadan, inay u shaqeeyaan mid aan asaguba aqoon waxa ay shaqadiisu tahay.

Guul baan u rajeyn Caasumaddeena bilan.

WQ Maxamed Saliid

About The Author