Daawo muuqaal: Axmed Madoobe ”Wax dhaqaala kamaan helin DFS labadii sano ee udambeesay”

03 Okt  2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caddeeyey inaysan dawladda Federaalka wax dhaqaale ah siin maamulkiisa labadii sano ee u dambaysay wuxuuna yiri ”Wax dhaqaala kamaan helin DFS labadii sano ee udambeesay”

Axmed Madoobe oo ka hadlay Xaalada Siyaasada dalka ayaa waxaa uu sheegay in Siyaasad loo dhan yahay aanay dalka ka jirin, gaar ahaan dhamaystirka Dastuurka iyo Doorashooyinka 2020, waxaa uu intaas ku daray in xayiraadaha ay Xukuumada Federaalka Soomaaliya kusoo rogtay dadka shacabka ah ee Jubaland ay muujinayso sida aan loogu aamini Karin Masuuliyada dalka gaar ahaan maamulka hawada waxaa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan badbaadinta dalka iyo ka saarida marxaladan adage e shacabka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin.


Puntlandes.com

About The Author