Xilliga uu furmayo kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo la shaaciyay

05 Okt  2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa degdeg isugu yeeray Xildhibaanada, si ay uga soo qeyb galaan furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa lagu sheegay in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka uu furmi doono 9ka bishan Oktober oo ku beegan maalinta arbacada ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la faray inay ugu dambeyn dalka ku soo galaan 7da October ee ku beegan maalinta Isniinta.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa bishii 7aad ee Sanadkan la xiray, iyadoo muddo labo bil la fasaxay, intii lagu guda jiray Ciiddii iyo Xajkii.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal

Puntlandes.com

About The Author