Sawirro: Shariif Xasan, C/kariin Guuleed iyo Xildhibaano ka degtay Kismayo
05 Okt 2019 (Puntlandes) Diyaarad sida Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed C/kariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow ka degtay magaalada Kismayo, iyadoo toos uga timid magaalada Nairobi.
Wafdigan ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa waxaa qeyb ka illaa sodomeeyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka ah, waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenada Jubaland.
Sida wararku sheegayaan diyaaradan oo la sheegay inay soo iibsatay Maamulka Jubaland ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kaddib markii dowladda Federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan qaadi karin siyaasiyiinta aadaya Kismayo.
Arrintan ayaa ah mid xeelad oo uu ciyaaray Maamulka Jubaland oo ku aadan si walba oo ku suurta geli karto inay ku dhacdo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay wafuud kala duwan ka degaan Kismayo, si ay uga qeyb galaan Xaflada Caleema saarka.
Magaalada Kismayo ayaa waxaa ka socota xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubaland oo lagu wado inay dhacdo 9-ka bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socoto.