SAWIRO: PDRC OO FARXAD KUSOO DHAWAYSAY MAXAMUUD SHIDO

05 Okt  2019 (Puntlandes) Hay’adda PDRC oo ah hay’adda ilaa aasaaskii Puntland ka soo shaqaynay horumarinta iyo kaydinta macluumaadka micnaah u leh Puntland, ayaa waxa halis geliyey hay’adda SIDRA oo uu maamulo Guuleed Saalax Barre oo ay saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni.

Guuleed oo ah gudoomiya guddiga doorasha Puntland ayaa wuxuu qaatay doorkii ay PDRC ku lahayd Puntland, waxayna kala yihiin mashaariicda uu leexsaday:

1-Qorshaha dawlada ee 5ta sano: Puntland baa maalgelisay
2-Sommar dialog: Beesha caalamka baa maalgelisay
3-Dimoqraadiyeyta Puntland; Beesha caalamka baa maalgelisay

Isku wada duuboo madaxweyne Deni wuxuu daaqadda ka tuuray hay’adda PDRC oo Puntland qiimo badan u leh shaqo badana usoo qabatay, isagoo naasnuujinaya:

1-Saaxiibkiis
2-Ahna lataliyihiisa Arimaha Bulshada
3-Ahna Speech writers
3-Ahna xubin sare oo ka tirsan DAMUL JADIID
5- Ahna Gudoomiyaha SIDRA
6-Ahna Gudoomiyaha guddiga doorashada Puntland

Guuleed ma doonayo in waxba dhaafaan isagoo ka faa’iidaysanaya xubinta sare ee uu ka yahay kooxda Dam Jadiid.

Haddaba maanta ayaa waxaa booqday xarunta hay’adda PDRC Maxamuud Shido oo miisaan wayn ku leh dawladda Deni, booqashadaas oo ay si farxad leh ay usoo dhawaysay hay’addu.

Waxay barta ay ku Facebook leedahay soo dhigtay qoraalkan ”Waxay noo aheyd farxad iyo raynrayn in aannu maanta ku soo dhaweeyno xarunta PDRC, wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Puntland, Maxamuud Warsame Faarax (Shiddo) oo hadda ka mid ah dadka u ololleeya xoojinta nidaamka Puntland”

Puntlandes.com

About The Author