Akhriso Hanti Dhowrka Guud oo sheegay in 18 Milyan ka maqan tahay lacagtii deeq bixiyeyaasha

09 Okt  2019 (Puntlandes) Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda ayaa soo saaray warbixintiisa sanadlaha ah ee baarista Hey’adaha maaliyadda dowladda, Warbixinta baarista maaliyadeed ee Xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ee sanadkii hore kuna astaysan 31 December sanadda 2018-ka.

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyay ku faah faahiyay baarista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda qaar dakhli uruuriyeen iyo deeqaha caalamiga ah, warbixibtan ayaa daaha ka rogtay musuq-maasuqa hey’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hey’adda dambi baarista (CID) iyo Jaamacadda Umadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla markaana aan la helin hab baaristu kusii socon karto.
“Muunada baarista (Audit Sample) aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hey’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.
Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.
Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.
Dowladda Federaalka ah ayaa sanadihii dambe ka shaqeynaysay dib u habeynta hay’adaheeda Maaliyadda, isla markaana ka shaqeynaysay hannaanka deyn cafinta oo uu Bankiga adduunka kormeer kula sameeynayay.
Puntlandes.com

About The Author