Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe

12 Okt  2019 (Puntlandes) Qaban qaabadii u dambeysay ee xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka socota magaalada Kismayo, iyadoo la filayo in xaflada ay dhacdo gelinka dambe ee maanta oo Sabti ah.

Xaflada caleema saarka ayaa waxaa isha lagu hayaa khudbadaha ay ka jeedin doonaan Madaxdii hore ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiin.

Labo jeer oo hore ayay dib u dhacday xaflada caleema saarka, sababo ku aadan cadaadis ka yimid dowladda Federaalka, kaddib markii ay xayiraad saartay diyaaradaha Kismayo.

Hase ahaatee Maamulka Jubaland ayaa la sheegay in si uu u jebiyo xayiraadaas uu soo iibsaday diyaarad, taasoo wafuudii ugu horeysay keentay todobaadkii hore Kismayo, halka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay ka soo qaaday Garowe.

Ammaanka magaalada Kismayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdigii ugu badnaa ay ku sugan yihiin magaalada, waxaana waddooyinka lagu arkayay ciidamo kala duwan oo amniga sugaya, sidoo kalena baaritaan ku sameynaya gaadiidka kala duwan.

Puntlandes.com

About The Author