DAAWO Video: Waxgarad & Siyaasiin shir kuyeeshay Bosaso oo si adag u dhaliilay Madaxweyne Deni, kuna dhawaaqay

12 Okt  2019 (Puntlandes) Shirar maalmihii u dambeeyey u socday qaar kamid ah waxgaradka beelaha gobalka Bari ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan xaaladdaha Puntland hadda ku sugan tahay, waxaana si adag loogu cambaareeyey Maamulka talada haya ee Puntland oo lagu eedeyey in ay gabeen dhammaan masuuliyadii loo xilsaaray.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiinta gobalka Bari, ayna isku deegaan kasoo jeedaan Madaxweynaha Puntland oo wariyayaasha u akhriyey bayaanka ayaa sheegay in ficilada dawladdu ay yihiin kuwa gabi ahaanba hareer-marsan doonista Shacabka.

Muuse ayaa ku eedeeyey Xukuumaddu in aysan u adkeysan karin xaqqa ay shacabku u leeyihiin in ay aragtidooda shaqsiga ah ay muujiyaan, sidaas oo kalena la dhaliilo oo laga saxo khaladaadka ay ku jiraan.

Muuse ayaa waxa uu sheegay in 21 sanno ka dib ay Puntland ku jirto marxalad ay ka hormarayaan maamuladii ka dambeeyey, isagoo sheegay in aytaasina ugu wacan tahay in madaxdeedu aysan danaheeda ka fakarin ee ay mar kasta xooga saran dhinacyo kale.

Muuse ayaa ku sii daray in ay Puntland kala maqan tahay, kuna soo koobantay labo gobal iyo bar, waxayna ku eedeeyeen maamuladii isaga dambeeyey kuwa aan diyaar u aheyn difaaca iyo xoreynta deegaanada maqan ee Puntland.

Heshiisyada lala galayo shirkaddaha Kalluumeysiga iyo kuwa dalalka Shisheeye ayay sheegeen in ay dhamaantood yihiin qarsoodi aan wax xog ah laga heynin ayna tahay in dabagal lagu sameeyo, waxaynas heegeen in ay Xukuumaddu ogoleyn arrimahaas.

Sidaas oo kale ,waxay sheegeen in aysii wadayaan kulamadooda waxayna cadeeyeen in aysan marnaba taageeri doonin isku day kasta oo looga hor imaanayo dawladda faderaalka, waxay sheegeen in Ilihii dhaqaalaha Bosaso oo dhan ay la wareegtay dawladda Imaaraatka Carabta ayna tahay arrin weyn oo ay tahay in dadka oo dhan ay indhaha ku hayaan.


Puntlandes.com

About The Author