Wafdi dawladda Kenya ka socda oo gaaray Kismayo
12 Okt 2019 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismayo, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD.
Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sidoo kale wafdigan ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka dhaceysa Kismayo.
Lama oga go’aanka dowladda Federaalka ka soo saari doonto tallaabadan cusub ee ku aadan in mar kale amarkii dowladda inuu jabay ee ahaa in diyaaradaha aadaya Kismayo inay soo maraan Muqdisho.